Sergio Aguero Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Xagaaga.

Weeraryahanka Kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Heshiiska xiddiga 32 jirka ah ee Man City ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Sergio Aguero ayaa kaliya 5 kulan u saftay Man City xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawacyo si daba joog ah u soo gaadhay.

Kooxda Barcelona ayaa dhawaan lala xidhiidhiyay saxiixa xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda Man City.

Idaacada Cadena Ser ayaa sheegaya in uu xiddiga Sergio Aguero go’aansaday in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*