Sergio Aguero Oo Diyaar U Ah In Uu Ku Biiro Koox Weyn Oo Premeir League Ah & Sababta Oo La Ogaaday

Xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu qaab xor ah ugu biiro kooxda chelsea si uu u sii joogo Premeir League una jabiyo rikoodhka ool dhalinta premeir League.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay chelsea hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Man City kaas oo soo afjari doona xagaaga 10 sano oo uu joogay kooxda Man City.

Aguero ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo ay ka mid yihiin Barcelona, Real Madrid, PSG, Inter Milan iyo Juventus kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga reer Argentine.

Laakiin xiddiga 32 jirka ah ayaa doonaya in uu sii joogo horyaalka premier league maadama uu wali wax badan ku soo kordhin karo horyaalka ugu xiisaha badan adduunka.

Wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in uu Aguero doonayo in uu jabiyo rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan taariikhda premeir League sidaas darteed waxa uu doonayaa in uu ku biiro chelsea xagaaga.

Aguero ayaa haatan leh 181 gool oo premier League ah waxana uu doonayaa in uu dhaafo rikoodhka Alan Shearer ee ah 260 waxana uu doonayaa in uu ka sii ciyaaro horyaalka premier League.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*