Sergio Aguero Oo Dhaliyay Goolkiisiii Ugu Horeeyay Ee Barcelona

Sergio Aguero ayaa ugu dambayn Barcelona u ciyaaray kulan isaga oo dhaliyay gool kulan saaxiibtinimo ah oo ay ciyaareen maanta oo Arbaco ah.

Barcelona ayaa kulan saaxiibtinimo la ciyaartay kooxda UE Cornella kulan ay Albaabadu u xidhnaayeen oo uu Koeman ciyaarsiiyay xiddigaha aan aadin waajibaadka xulka qarankiisa.

Aguero ayaan ilaa haatan kulan Rasmi ah u ciyaarin kooxda Barcelona sabab la xidhiidha dhaawac laakiin waxa uu haatan si buuxda uga soo laabtay dhaawacii uu qabay.

Xiddiga Aguero ayaa ciyaaray 60 daqiiqo kulan uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba ku muujiyay in uu taam u yahay in uu ciyaaro kulamada kooxda toodbaadka soo socda kadib fasaxa xulaka gaar ahaan kulanka Valencia.

Kulanka ayaa ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah waxana goolka kale u dhaliyay Barcelona xiddiga Philippe Coutinho kaas oo dhankiisa ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*