Sergino Dest Oo Iska Diiday 3 Kooxood Oo Waaweyn & Sababta Oo La Ogaaday.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Sergino Dest ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday dalabyo uga yimid seddex ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub isagoo doonaya inuu u dagaallamo booskiisa Barcelona.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa kooxda Barcelona u saftay 41 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda Bacelona.

Barcelona ayaa dhankeeda diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga iyaga oo doonaya in ay dhimaan mushaharka ay bixiyaan si ay heshiis cusub uga saxiixdaan Lionel messi.

ESPN ayaa sheegaysa in ay kooxaha Arsenal, Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ay dalabyo u direen 20 jirkaan si ay u heleen inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin Dest ayaa iska diiday dhamaan kooxahaas isaga oo u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona una dagaalamo booskiisa kooxda xilli ciyaareedka soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*