Sergej Milinković Oo Qaatay Go`aan Ku Aadan Mustaqbalkiisa , Miyuu Ka Tagayaa Lazio Mise ?

Qadka dhexe kooxda Lazio ee Sergej Milinković ayaa si weyn looga doonayaa suuqa xagaaga qaaradda yurub balse waxa uu laacibka u muuqdaa mid aan Lazio xagaagaan ka tagi doonin

United , Real , PSG , Juve iyo Inter ayaa wada doonaya laacibkaas kuwaasi oo aan qarrin xiisaha ay u qabaan

Waxa uu Sergej Milinković carabka ku adkeeyay in uusan dooneyn in uu ka huleelo Lazio waliba uu doonayo in waqti fog sii joogo

Sky Sport Italy ayuuu Sergej Milinković ka yiri ” tan iyo markii aan imid Lazio waxa uu ujeedkeyga ahaa in aan Champion-ka la ciyaaro , ugu dambyn taasi xilli ciyaareedkaan ayay dhaceysaa”.

” Waan ku faraxsanahay halkaan , hishiiskeyga waqtin badan ayaa ka harsan waan sii joogayaa” ayuu sii raaciyay 25 sano jirkaas reer Serbia

Sergej Milinkovic waxaa hishiiskiisa AC Milan uu dhacayaa xagaaga 2024-ka , waxa uuna xilli ciyaareedkaan dhaliyay 7 gool ka dib 4 kulan dhamaan tartamnada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*