Serge Gnabry Oo Kooxdiisa U Tilmaamay Xiddigaha Ugu Halista Badan Real Madrid

Weeraryahanka Bayern Munich, Serge Gnabry, ayaa uga digay kooxdiisa saddex ciyaaryahan oo ka tirsan Real Madrid ka hor kulanka UEFA Champions League.

Real Madrid ayaa martigelin doonta Bayern Munich lugta hore ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League habeenka Talaadada ee ka dhici doona Santiago Bernabéu Stadium.

Kooxda Los Blancos ayaa kulanka imanaysa kaddib markii 2-1 looga badiyay Mallorca horyaalka La Liga dhammaadkii usbuuca, halka kooxda uu hoggaamiyo Vincent Kompany ay 3-2 kaga adkaadeen Freiburg horyaalka Bundesliga.

Isagoo la hadlayay Tribuna, Gnabry wuxuu ka digay kooxda Bayern inay si gaar ah uga feejignaadaan Vinicius Junior, Kylian Mbappe iyo Brahim Diaz marka ay labada kooxood kulmaan.

“Real Madrid waxay leeyihiin ciyaartoy cajiib ah oo aad u tayo badan. Gaar ahaan weerarka, laakiin sidoo kale difaaca dabcan,” ayuu yiri Gnabry.

“Weerarkooda oo ay ku jiraan Vinicius iyo Mbappé waa mid aad u khatar badan. Brahim Díaz sidoo kale si fiican ayuu u ciyaarayay waayadan dambe. Dabcan waa inaan taxaddar muujinno oo aanan u oggolaan inay si fudud u sameeyaan waxa ay rabaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga