Saxiixyadii Real Madrid Ee Tan Ilaa Markii Uu Cristiano Ronaldo Ka Tagay Kooxda, Hal Xiddig Ayaa Lama Taabtaan Ah.

Kooxda Real Madrid ayaa xilli ciyaareedka 2019/2020 ku dhamaystay ku guulaysiga horyaalka La Liga taas oo la macno ah in uu Zinedine Zidane gaadhay ujeedkiisii 1-aad.

Horyaalka La Liga ayay Real Madrid ku hogaamiyeen xiddigihii kooxda horay u joogay sababta oo ah saxiixyadii yimid kadib Cristiano Ronaldo way ku fashilmeen in ay soo bandhigaan wixii laga filayay.

Thibaut Courtois ayaa ah xiddiga kaliya ee xiddigihii cusbaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah laakiin lacagtii 474 ahayd ee ay kooxdu suuqa galisay ayaa su’aal laga keenay.

Saxiixyada kooxda yimid ayaa ahaa kuwo da’yar ah kuwaas oo wax yar ku soo kordhiyay kooxda laakiin waxa jira xiddigo aan wax saamayn ah muujin kuwaas oo kooxda isaga tagi doona xagaagan.

Ferland Mendy ayaa ah xiddiga kaliya ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay saxiixyadii xagaagii hore isaga oo Marcelo kula tartamay booska daafaca bidix halka Fede Valverde uu sidoo kale si fiican u ciyaaray tan ilaa markii uu amaahda uga soo laabtay Deportivo La Coruna.

Hadaba Halkan hoose kagaa bogo Liiska xiddigaha kooxda yimid kadib Cristiano Ronaldo:

  1. Ferland Mendy
  2. Rodrygo
  3. Eden Hazard
  4. Eder Militao
  5. Luka Jovic
  6. Vinicius Junior
  7. Thibaut Courtois
  8. Alvaro Odriozola
  9. Mariano Diaz
  10. Brahim Diaz
  11. Andriy Lunin
  12. Takefusa Kubo
  13. Reinier

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*