Saxiixyada Laga Yaabo In Ay Liverpool Dhamaystirto Saacadaha Ka Dhiman Suuqa January

Kooxda Liverpool ayaa mashquul ku ah suuqa 48-kii saac ee la soo dhaafay waxana ay kooxdu baacsi ugu jirta asaxiixa xiddig daafaca ka ciyaara si ay ugu xaliso dhibaatada daafaca ee kooxda.

Klopp ayaa kooxdiisa ku booriyay in ay la soo saxiixato daafaca dhexe kadib masiibo dhaawac oo ku habsatay waxana ay kooxdu dadaal ugu jirtaa in ay dhamaystirto ugu yaraan hal ama laba daafac dhexe ah.

Hadaba suuqa January inta uuna xidhmin waxa aan halka ku soo bandhigi doonaa saxiixda laga yaabo in ay Arsenal samayso.

Ben Davies: Daafaca Ben Davies ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Liverpool waxana la filayaa in saxiixiisa lagu dhawaaqo saacadaha soo soscda.

Shkodran Mustafi:

Waa daafac kale oo khibrad fiican u leh premier League waxana saxiixiisa loo soo bandhigay kooxda Arsenal kuwaas oo doonaya in ay iska fasaxdo xiddiga.

Liverpool ayaa diidan in ay Arsenal siiso lacag yar oo saxiixa ah sidaas darteed waxa ay U Sheegtay in ay marka hore kansasho heshiisa xiddiga si ay ula wareegto.

Aaron Long:

Waa daafac fiican waxana ay Liverpool ku heli kartaa saxiixiisa qaab amaah ah oo 4 bilood ah maadama la kansalay horyaalka America oo uu uga ciyaara kooxda New York Red Bull.

Gleison Bremer: Waa daafac kale oo lala xidhiidhinayay Liverpool tan ilaa markii uu dhaawacmay Virgil Van Dijk waxana xiddiga reer Brazil uu ku dhibaatoonayaa horyaalka Serie A-da kooxda Torino xilli ciyaareedkan.

Nikola Maksimovic:

Waa daafac dhexe oo ku ciyaara lugta bidix waxana ay Liverpool xiiso u muujisay saacadihii la soo dhaafay.

Milkiilaha Kooxda Napoli ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Liverpool xiiso u qabto saxiixa xiddiga waxana laga yaabaa in uu heshiis amaah ah ugu biiro.

Ozan Kabak:

Daafaca Schalke  ayaa sidoo kale bartilmaameed u ahaa kooxda Liverpool waxana laga yaabaa in ay Reds dalab 13 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiso daafaca dhexe inta uuna xidhmin suuqa January.

Issa Diop:

Sida laga soo xigtay dad ku dhaw daafaca Liverpool ayaa haatanba kooxda West Ham wax ka waydiisay saxiixa daafaca dhexe.

Tababare Moyes ayaa diyaar u ah in uu iska fasoxo xiddiga laakiin Liverpool ayaa u baahan in ay ugu yaraan bixiso lacag dhan 20 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*