Saxiixyada Laga Yaabo In Ay Arsenal Dhamaystirto Saacadaha Ka Dhiman Suuqa January.

Kooxda Arsenal ayaa wakhti hore dhamaystirtay suuqeeda iyada oo sameeyay saxiixyadii uu tababare Mikel Arteta aadka ugu baahnaa.

Laakiin Maanat waa maalintii ugu dambaysya suuqa January wax walba waa suurtagal maalinta ugu dambaysa marka loo eego tariikhada suuqa.

Arsenal ayaa iska dirtay xiddigaha Mesut Ozil, Sokratis Papastathopoulos, Sead Kolasinac Iyo William Saliba kuwaas oo ka tagay kooxda.

Waxa ay la soo saxiixdeen xiddigaha Omer Rekik, Martin Odegaard Iyo Goolhaye Matt Ryan kuwaas oo ay ku xoojiyeen kooxda.

Laakiin waxa kooxda Arsenal ayaa samayn karta saxiixyo kale saacadaha ka dhiman suuqa January:

Josh Doig:

Xiddiga Josh Doig ayaa bartilmaameed u noqday Arsenal Arsenal kadib markii uu Mikel Arteta qirtay in uu u baahan yahay daafaca Bidix.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Hibernian waxana uu 20 kulan u saftay kooxdiisa tartamada oo dhan.

Patrick van Aanholt

Kooxda Arsenal ayaa suuqa ugu irta daafac bidix waxana saacadihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay xiddiga Patrick van Aanholt si ay ula tartansiiyaan xiddigaha Tierny.

Ryan Bertrand:

Waa xiddig kale oo daafaca Bidix ah waxana ay Arsenal doonaysaa xididga khibrad fiican u leh premier League ee Ryan Bertrand waxana ay la xidheehdheen wakiilkiisa si ay qaab amaah ah ugu helaan xiddiga 31 jirka ah laakiin Southampton ayaa mar hore u baahan badalkiisa.

Eric Garcia:

Waa daafac dhexe oo uu Mikel Arteta kula soo shaqeeyay Man City waxana la xaqiijiyay in uu isgaa tagayo kooxda Man City lArteta ayaana doonaya in uu helo badalka xiddigaha daafaca ah ee ilaa haatan ka tagay.

Shkodran Mustafi:

Xiddigan ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Arsenal saacadaha soo socda iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Arsenal iyo Schalke xilli ay Arsenal diyaar u tahay in ay iska dirto.

Lucas Torreira:

Waa xiddig kale oo doonaya in ay isaga tago kooxda Arsenal isaga oo haatan amaah ula jooga Atletico Madrid laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu si toos ah uga tago kooxda waliba ku laabto horyaalka Serie A-da.

Ainsley Maitland-Niles:

Xiddigan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Southampton iyo Leicester City kuwaas oo doonaya xiddiga 23 jirka ah iyaga oo ku doonaya qaab amaah ah.

Joe Willock:

Newcastle United ayaa dhankeeda doonaysa saxiixa xiddiga Joe Willock ay ugu xoojiyaan kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Mikel Artea ayaana xaqiijiyay in uu xiddigu kooxda uga tagi doono qaab amaah si uu u helo boos joogta ah qatba dambe ee xilli ciyaareedkan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*