Saxiixii 2-aad Ee Arsenal Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxda

Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran in ay samayso saxiixeedii 2-aad ee suuqa kala iibsiga January sida ay sheegayaan wararka ka imanay England.

Arsenal ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda Real Madrid iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard kaas oo uu Mikel Arteta u arko badalka Mesut Ozil.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Arsenal qaab amaah ah ku doonayso saxiixa xiddiga baxsadka ka ah kooxda Real Madrid ee Martin Odegaard.

Isla warar kale ayaa sheegaya in uu xiddigu ku wajahan yahay in uu London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda una saxiixo heshiiska uu ugu biirayo kooxda.

Warkan ayaa imanaya kadib markii uu xiddiga Martin Odegaard tababare Zidane ka dalbaday in uu iska fasaxo inta uuna xidhmin suuqa January si uu u raadsado koox uu ku biiro si joogto ahna ugu biiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*