Saxiixa Cusub ee Man United Facundo Pellistri Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Uu Sugi Laayahay In Uu Kaga Garab Ciyaaro Man United.

Xiddiga Maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga ku soo biiray Man United ee Facundo Pellistri ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay waliba sugi laayahay in uu ka garab ciyaaro xiddigaha yahay’ inuu kula xiriiro Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood.

Red Devils ayaa 9 milyan kula soo wareegtay xiddiga 18 jirka ah iyaga oo kala soo wareegay kooxda reer Uruguay ee Penarol suuqii xagaagan.

Xiddiga aadka loo qiimeeyo ayaa 37 kulan u saftaykooxda Penarol waxana uu Man United u saxiixay heshiis 5 sano ah.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiddiga da’yarka ah ku taageeray in uu horumar ku sameeyo Old Trafford waxana uu Pellistri  sheegay in uu sugi laayahay ka garab ciyaarista xiddigaha Rashford, Martial iyo Greenwood.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan saxiixo sababtoo ah Manchester United waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican taariikhda”ayuu Pellistri.

“Runtii waan ku faraxsanahay inaan halkaan imaado”.

“Waxa aan isku tilmaami karaa xiddig aad u orod badan waliba jecel in uu kubada haysto isla markaasna sameeyo caawin dhanka saaxiibaday ah”.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan ka garab ciyaaro waliba wax ka barto xiddigaha Greenwood, Martial iyo Rashford”.

Sii Akhriso: Allahu Akbar… Qaabkii Ay U Muslimtay Haweenay U Dhalatay Dalka France Oo Muddo 4 Sano Ah Afduub Loogu Haystay Mali

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*