Saxiixa Cusub Ee Liverpool Kostas Tsimikas Oo Soo Gaadhay Garoonka Tababarka Reds Si Uu Tijaabada Caafimaadka Ugu Maro.

Daafaca kooxda Olympiacos Kostas Tsimikas ayaa yimid dalka Ingiriiska si uu Tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Liverpool ka hor inta uuna ugu biirin Reds lacag dhan 11.75 milyan euro.

Daafaca Bidix oo ka hor tagay kooxda Wolves todobaakdii hore ayaa qalinka ku duugi doona Heshiis uu ugu soo biirayo Liverpool si uu booska ugula tartamo xiddiga Andy Robertson.

Liverpool ayaa xiddiga reer Greek u dhaqaaqday kadib markii ay isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga Norwcih ee Jamal Lewis kadib markii laga diiday dalab 10 milyan ah.

Waxa la aaminsanyahay in agaasimaha ciyaaraha Liverpool ee Michael Edwards in uu la kulmay agaasimaha Olympiacos si uu u dhamaystiro heshiiska xiddiga khamiistii hore.

Haatan xiddiga Kostas Tsimikas ayaa yimid dalka Ingiriiska si uu Tijaabada caafimaadka ugu maro looguna dhawaaqo saxiixa xiddigaha saacadaha soo socda.

Kostas Tsimikas aaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee Liverpool ee xagaagan kadib markii ay iska iibiyeen xiddigaha Dejan Lovren iyo Adam Lalalna oo xor uga tagay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*