Saxiixa cusub ee kooxda chelsea Denis Zakaria ayaa la bar-bar dhigay Halyeeyga Arsenal ee Patrick Vieira.

Zakaria ayaa maalintii ugu dambaysay ee suuqii xagaaga ku soo biiray chelsea isaga oo heshiis amaah ah kaga soo biiray kooxda Juventus.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa suuqii January ku biiray Juventus laakiin waxa uu kaliya 15 kulan u saftay kooxda reer Italy.

Zakaria ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilowday dalkiisa Switzerland waxana uu sanadihii ugu dambeeyay qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Borussia Monchengladbach.

Adam Owen oo ah tababarihii arkay xiddiga Zakaria ayaa amaan kula dul dhigay xiddiga waxana uu yidhi”Waxa uu ahaa xiddigii ugu fiicnaa markii aan arkay”ayuu Owen u sheegay Sky Sport.

“Zakaria jir ahaan waa xiddig awood leh, waxa uu ku fiicanyahay kubada lama yaabi doono hadii uu si fiican ugu ciyaaro chelsea”.

“Waxa uu kubada horay u wadi karaa marka uu haysto, difaac ahaan waa fiicanyahay waxana uu i xasuusiyaa Patrick Vieira”.