Saxiixa Cusub Ee Chelsea Timo Werner Oo Daawaday Guushii Kooxdiisa Ee Kulankii Wolves.

Xiddiga Timo Werner ayaa Stamford Bridge ka daawaday kulankii ay kooxdiisa cusub ee chelsea guusha ka gaadhay kooxda Wolves kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Xiddiga reer Germany oo noqday saxiixii 2-aad ee chelsea suuqa xagaaga ayaa daawaday kooxdiisa oo xaqiiqsatay booskeeda champions League xilli ciyaareedka dambe.

Werner ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir uu ku galay Stamford Bridge ka hor intii ayna bilaaban ciyaartii Wolves ee ay chelsea guusha ka gaadhay.

Werner ayaa chelsea ugu soo biiray lacag dhan 53 milyan oo euro waxana uu ku baasay tijaabada caafimaadka ka hor intii uuna garoonka Stamford Bridge ka daawan kulankii Blues.

Xiddiga ayaa isku diyaarinaya in uu kooxdiisa u ciyaaro wixii ka dambeeya maalinta Isniinta oo uu suuqa kala iibsiga premier League si Rasmi ah u furmi doono.

Xiddiga ayaan kooxdiisa u ciyaari doonin kulamada champions League laakiin waxa uu si Rasmi ah ula bilaaban doonaa tababarada ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*