Saxiixa Cusub Ee Arsenal Albert Sambi Lokonga Oo Doortay Lambarka Uu Doonayo In Uu U Xidho Kooxda & Sababta Ka Dambaysa Dookhiisa.

Albert Sambi Lokonga ayaa qarka u saaran inuu qaato lambar maaliyadeed aan caadi aheyn markii uu Arsenal kaga soo biiro kooxda Anderlecht maalmaha soo socda iyada oo uu xiddiga khadka dhexe ku dhawyahay Emirates.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa 69 kulan u saftay kooxd tan ilaa markii uu saftay kulankiisii ugu horeeyay sanadkii 2018 waxana uu sidoo kale u ciyaaray heerarka kala duwan ee xulka Belguim.

Intii uu ku sugnaa kooxda uu haatan ka tirsan yahay, Lokonga wuxuu xirtay lambar maaliyadeed xusuus leh, waxaana laga yaabaa inuu markale u qaato kooxda Arsenal ka dib marka uu ku biiro xagaagan.

Kadib markii uu kooxdiisa haatan horay ugu soo xidhay Lambarka No.48, xiddiga 15 milyan ugu soo biiraya Arsenal ayaa doonaya in uu Arsenal u xidho kooxda marka uu ku biiro xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay wargayska Nieuwsblad, Go’aanka uu xiddigu ku doortay Lambarka No.48 ay tahay mid ku saleysan lambarka boostada ee xiddiga Lokonga.

Maaalada uu ku koray xiddigu ee Verviers ayaa leh Koodhka 4800, taas oo ah sababta ka dambaysa in uu xiddigu dalbado Maaliyada No.48.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*