Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Man City: Ayaa Ku Bilowday Shaxda Kulanka Adag Ee Ka Dhici Doona Anfield.

Tababarayaasha Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayaa soo saaray shaxda ay isaga hor iman doonaan premier League kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan premier league.

Tababare Klopp ayaa daafaca Midig ee kooxdiisa ku bilaabay xiddiga Milner kadib markii uu dhawac ku seegay xiddiga Trent kaas oo aan ku jirin kooxda.

Dhanka kale Klopp ayaa kaydka dhigay xiddiga Firnimo inkasta oo uu laba gool dhaliyay kulankii champions League sidoo kale xiddiga da’yarka ah ee Jones ayaa ku bilowday shaxda.

Tababare Guardiola ayaa dhankiisa wali ku ciyaaraya weerar been ah isaga oo Jesus ka ciyaarsiinaya garabka weerarka xilli uu kaydka dhigay xiddiga Marez iyo Sterling.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

Liverpool: Alisson, Robertson, Milner, Matip, Van Dijk, Fabinho, Henderson, Jones, Jota, Mane, Salah.

Kaydka: Kelleher, Kontate, Keita, Firmino, Gomez, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Tsimikas, Williams.

Man City: Ederson, Cancelo, Walker, Dias, Laporte, Rodri, Silva, De Bruyne, Foden, Grealish, Jesus.

Kaydka: Steffen, Carson, Stones, Ake, Sterling, Torres, Fernandinho, Mahrez, Palmer.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*