Saxafi Lagu Kalsoon Yahay Oo Ka Warbixiyay Dhaq-Dhaaqii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Neymar & Dagaalkii Real & Barca

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar ayaa ah xiddiga ugu hadal haynta badan suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo doonaya in uu isaga tago kooxda PSG kuna laabto Horyaalka La Liga.

Kooxaha ugu tunka weyn La Liga ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa isku garbinaya saxiixa xiddiga kuwaas oo doonaya in ay helaan adeegiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Saxafiga reer Spain ee Guillem Balague kaas oo falanqeeya suuqa kala iibsiga ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo bandhigay wararkii ugu dambeeyay ee xaalada xiddiga reer Brazil.

“Dalabka Barcelona ee ay Neymar ku doonayso ayaa ah Coutinho & 100 Milyan laakiin wali kooxda PSG may Aqbalin”.

“Real madrid ayaa dhankeeda PSG miiska u saartay lacag iyo waliba xiddigaha James & Bale laakiin PSG ayaa doonaysa xiddigo kale”.

Advertisements

“Sida ay arimuhu haatan yihiin labada kooxoodba waa isku dalab laakiin Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay Xiddiga ka iibiso Real Madrid xilli uuna Neymar doonayn in uu ku laabto PSG”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*