Sawir: Mohamed Salah Oo Wal-Wal Ku Abuuray Taageerayaasha Kooxdiisa Ka Hor Kulanka West Ham, Dhaawac Ayaa Soo Gaadhay.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wal-wal ku riday kooxdiisa kadib kulankii champions League ee ay ka badiyeen kooxda Midtjylland.

Mohamed Salah ayaa ka soo kacay kaydka isaga oo gool u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay 2/0 kaga badiyeen kooxda reer Denmark ee Midtjylland.

Xiddiga reer Masar ayaa u muuqday mid dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii Midtjylland kadib markii ay xiddig ku loolameen kubada .

Shabakada BT Sport ayaa muujisay sawir xiddiga oo xanuun dareemaya kadib markii ay ciyaartu dhamaatay isaga oo qolka labiska sii galay.

Sawirka ay BT Sport muujisay ayaa la arkay isaga oo xanuun dareemaya oo waliba wajigiisu u muuqday mid wal-wal iyo xanuun ka muuqday.

شكوك حول إصابة محمد صلاح أمام ميتلاند

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*