Sawir : Maxay Aheyd Sababtii Klopp Uu Badalay Sadio Mane Kulankii Ajax

Ilo wareedyo ayaa daboolka ka qaadaay sababta uu tababare Klopp uu u badalay Mane kulankii Ajax xilli ay soo baxayaan calaamado laga wel welo

Liverpool ayaa guul hal gool aheyd waxa ay ka soo gaareen Ajax wax u una goolkaas ahaa mid uu si qaldan siaga dhaliyay Nicolas Tagliafico

Tababare Klopp ayaa daqiiqaddii 60-aad waxa uu badalay Mane , Salah iyo Firminho waxa uuna ahaa badal uu ku qamaaray .

Ka dib waxa ay kaamirooyinka qabteen Mane oo kursiga badalka fadhiya waliba baraf iska saaraya laf dheerta lugta middig

Liverpool Echo ayaa qortay in Klopp uu u badalay laacibkaas isaga oo ka hor tagaya in laacibka uusan dhaawacmin xilli haatan koxoda ay ka sheeganeyso dhaawacyo dhowr ah