Saul Niguez Oo Heegan Buuxa Galiyay Man United & Talaabo Uu Qaaday Oo Rajo Galisay Red Devils.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez ayaa heegan buuxa galiyay kooxda Man United kadib markii uu Boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in uu isaga tagi karo kooxda.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay kooxda Atletico Madrid marka laga reebo in uu hal sano amaah ku qaatay kooxda Rayo Vallecano waxana uu muhiim ah yahay kooxda tababare Diego Simeone.

Waxa jira warar xiddiga reer Spain la xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda xilli ay Man United ka mid tahay kooxaha xiisaha u qaba saxiixiisa.

Xiddiga reer Spain ayaa lama filaan qarciyay kadib markii uu bogiisa ku soo qoray”Waxa aan doonayaa in aan arin muhiim ah idiin sheego” isaga oo qoraalkaas dhexda u galiyay laba midab oo casaan ah.

“Koox Cusub, waxa aan ku dhawaaqi doonaa muddo 3 maalin ah”.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*