Sancho, Ugarte, Diaz, Merino, Osimhen, Verratti, Junior & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Paris Saint-Germain ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabtay xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United ee Jadon Sancho, waxaana sidoo kale laga yaabaa inay isaga baxdo tartanka loogu jiro saxiixa Victor Osimhen oo ka tirsan Napoli (iNews).

Manuel Ugarte ayaa ‘jeclaa fikradda’ ku biiritaanka Manchester United ee PSG wuxuuna si firfircoon u riixayaa in heshiiska la dhameystiro (Fabrizio Romano).

Barcelona ayaa dareenkeeda u jeedisay garabka Bayern Munich ee Kingsley Coman ka dib markii ay ku fashilmeen isku daygii ay ku doonayeen inay kula soo wareegaan Nico Williams (El Nacional).

Weeraryahanka Liverpool Luis Diaz ayaa weli bartilmaameed muhiim ah u ah madaxweynaha Barcelona Joan Laporta, laakiin waxaa jira walaac laga qabo qiimaha ay Reds ku dooneyso (El Nacional).

Arsenal ayaa u dulqaadan doonta dadaalka ay ku doonayso saxiixa Mikel Merino oo ka tirsan Real Sociedad ka dib markii la diiday dalab labaad (The Guardian).

Chelsea ayaa ku soo laabatay wadahadalo ay Osimhen kaga soo qaadanayso Napoli, iyadoo Antonio Conte uu doonayo Romelu Lukaku iyo da’yarka khadka dhexe ee reer Talyaani Cesare Casadei inay qayb ka noqdaan heshiiska (The Sun).

Manchester United, Manchester City, Liverpool iyo Arsenal ayaa dhamaantood loo soo bandhigay fursad ay kula soo wareegi karaan ciyaaryahankii hore ee Paris Saint-Germain Marco Verratti, kaasoo haatan u ciyaara kooxda Qatar ee Al-Arabi (HITC).

Real Madrid ayaa sii wada inay ka shaqeyso heshiiska ay kula soo wareegayso daafaca dhexe ee Al Nassr Aymeric Laporte, laakiin sidoo kale labada ciyaaryahan ee Valencia Cristian Mosquera iyo Yarek Gasiorowski ayay u aqoonsadeen saxiixyo macquul ah (El Nacional).

Liverpool ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato goolhayaha Valencia Giorgi Mamardashvili ka hor inta aysan amaah ku siin Bournemouth (Fabrizio Romano).

Arsenal iyo Real Madrid ayaa labaduba xiiseenaya da’yarka Palmeiras Vitor Reis kaas oo kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay dhamaadkii bishii June (AS).

Real Madrid ayaa iska caabin doonta dalabyada uga imaanaya Saudi Pro League ee ku saabsan Vinicius Junior, xitaa haddii ay helaan dalab rikoor ah (AS).

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso xiddiga Crystal Palace Eberechi Eze, iyadoo Pep Guardiola uu qorsheynayo inuu wax ka bedelo taatikada xilli ciyaareedka soo socda (TEAMtalk).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga