Sancho, Havertz, Coutinho, Willian, Guendouzi, Aubameyang & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Barcelona ayaa bartilmaameedkeeda ugu weyn ka dhigatay 19 jirka daafaca uga ciyaara koxda Man City ee Eric Garcia (Goal).

Kooxda Chelsea ayaa ku dhaw in ay Kooxda Bayer Leverkusen kala heshiiso saxiixa xiddiga Kai HavertzĀ  (Teamtalk).

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu suuqii January doonayay in uu ku biiro kooxda Chelsea laakiin chelsea ayaa diiday dalabkiisa Mushaharka oo aad u sareeyay (Mail).

Kooxda Napoli ayaa Kooxaha Premier League u sheegtay in ay iska bixiyaan lacag dhan 85 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa daafaca Kalidou Koulibaly (Metro).

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdiisa u sheegay in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga jadon Sancho kana fogaadaan sidii dhacay Harry Maguire (ESPN).

Kooxda Borussia Dortmnud ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Memphis Depay hadii uu Sancho ka tago kooxda (Bild).

Kooxda Barcelona ayaa Arsenal u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho iyaga oo doonaya 9 milyan iyo xiddiga Matteo Guendouzi (Independent).

Kooxda Real Betis ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos kaas oo amaah ku jooga Arsenal (Sun).

Kooxda Barcelona aya wadahadalo la qaadatay wakiilka xiddiga kooxda Chelsea ee Willian (Sky Sport).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay aad ugu dhawdahay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara (Mundo Deportivo).

Laakiin kooxda PSG ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Thiago Alcantara (Teamtalk).

Kooxda chelsea ayaa xagaagan la soo saxiixan doonta Goolhaye iyo daafac cusub marka ay dhamaystiraan saxiixa Kai Havertz (Daily Express).

Jadon Sancho ayaa ku dhaw in uu xiddig Man United ah noqdo kadib markii lagu soo waramay in ay Man United iyo Dortmund ka heshiiyeen lacag ku kacaysa 60 milyan oo euro (Daily Mail).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Tanguy Ndombele ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Inter Milan (Daily Mirror).

Xiddigii lala xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo Arsenal ee Dayot Upamecano ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxdiisa RB Leipzig (Daily Mirror).

Kooxda Man City ayaa Liverpool kula biirtay tartanka loogu jiro daafaca kooxda Aston Villa ee Diego Carlos (Daily Mirror).

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*