Sancho, Grealish, Havertz, Coutinho, Willian, Partey, Fernandes & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa diiday dalab 89 milyan ah oo ay Man United ka gudbiay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Jadon Sancho (Bild).

Man united ayaa diidan in ay bixiso lacagta 110 milyan ah ee ay Dortmund ku dalanayso xiddiga garabka ka cyaara ee Jadon Sancho (Telegraph).

Kooxd Man United ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish si ay ugu xoojiso kooxda (Independent).

Xiddiga khadka dhexe ee koxoda Leicester City ayaa saxiixay heshiis cusub oo uu sanadkii ku qaadan doono 110 kun oo Gini kuna joogi doono Foxes ilaa 2024 (Goal).

Kooxda chelsea ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda Bayer Leverkusen kaas oo ay ka doonayso xiddiga khadka dhexe ee weerarka ee Kai Havertz (Guardian).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian ayaa ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Chelsea waxana lagu dhawaaqi karaa todobaadkan (Sky Sport).

Xiddiga Philippe Coutinho ayaa dalbaday wakhti uu kaga fiirsado in uu ku biiro kooxda Arseal (Sport).

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay dalab 27 milayn oo amaah ah ka gudbiso xiddiga Philippe Coutinho (Sports).

Kooxda chelsea ayaa suuqa dhigtay Goolhayaha Kepa Arrizabalaga iyada oo uu Frank Lampard suuqa u galay Goolhaye cusub (Mail).

Kooxda Atletico Madrid ayaa diiday dalab lacageed oo dhan 25 milyan oo euro iyo xiddiga Matteo Guendouz oo ay Arsenal ku doonaysay saxiixa Thomas Partey (Mail).

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bournemouth ee Nathan Ake (Mail).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Arthur ayaa diiday in uu Barcelona u ciyaaro kulan kale xilli ciyaareedkan (Mail).

Paul Pogba ayaa sheegay in uu sii joogi doono Man United kadib markii ay kooxdu u soo baxday champions League (Sun).

Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Sporting Lisbon ee Joelson Fernandes (Sun).

Chelsea ayaa diyaar u ah in ay mushahar dhan 170 kun oo Gini miiska u saarto Goolhayaha Amaahda uga Man United ee Dean Henderson (Mirror).

Arsenal ayaa diidan in ay bixiso lacagta 50 milyan ah ee ay Atletico Madrid ku iibinayso xiddiga Thomas Partey (Express).

Sii Akhriso: Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Somaliya Oo Lagu Dilay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*