Sancho, Coutinho, Martinez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa Kala iibsiga ayaan furnayn waxana uu xidhmay jimcihii laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in la jiijiyay dhaq-dhaqaaqa suuqa iyada oo kooxuhu ku jiraan isku diyaarinta xagaaga iyaga oo si gaar ah ula socda xiddigaha ay doonayaan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ayna wax masuul ah ka ahayn wararka aan soo gudbinayno laakiin aan ka soo qaadanay wargaysyada ku hor xusan.

Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Baacsigii Ay Ugu Jirtay daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano kaas oo qirtay in uu isaga tagi doono kooxda xagaaga (Sport Bild).

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos ayaa u muuqda mid la sii joogi doona kooxda Arsenal wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan (Evening Standard).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Cavani ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan (AS).

Kooxda Liverpool ayaan la soo saxiixan doonin xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho sabab la xidhiidha in ay Reds ku dhibaatoonaysa in ay dhaafto jid gooyada ay hor dhigtay Dortmund (Evening Standard).

Kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay sii haysan doonto xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba xilli ciyaareedka dambe (ESPN).

Kooxda Man City oo ku biirtay tartanka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Napoli ee Fabian Ruiz (Corriere dello Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa ku biirtay tartanka xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang (Diario Madridista).

Kooxda Man United ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo kula jirtay kooxda Borussia Dortmund kaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Jadon Sancho (Calciomercato).

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis hordhac ah la meel dhigtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez (Tuttosport).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay si aad ah hoos ugu dhigto qiimaha xiddiga Philippe Coutinho si ay isaga iibiso xiddiga xagaaga (Marca).

Xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid xagaaga (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay xagaaga u dhaqaaqdo xiddiga weerarka ka ciyaara ee kooxda Borussia Dortmund Erling Braut Haaland (Marca).

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa daafaca Bidix ee kooxda Getafe ee Marc Cucurella (Diario Sport).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*