Sanchez, Neymar, Coutinho, Lindelof, Sane, Vinicius, Balotelli, & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u xidhmay suuqa horyaalka premier League laakiin taas ayaan la macno ahayn in uu suuqu joogsaday maadama ay kooxaha kale ee reer yurub suuqa ugu jiraan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda.

Suuqa ayaa ilaa haatan laga sameeyay saxiixyo waaweyn laakiin waxa sidoo kale maalin walba kooxaha lala xiriiriyaa xiddigo ay doonayaan in ay la soo wareegaan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Hadaba waxa ay kooxda.com idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysadu ka qoreen suuqa kala iibsiga xagaagan waxana aan idin xasuusinaynaa in ayna kooxda.com masuul ka ahayn wararka laakiin aan ka soo xiganay wargaysyada ku hor qoran.

Xiddiga Alexis Sanchez ayaa diidan in uu isaga tago kooxda Man United inkasta oo uu Ole Gunnar Solskjaer ugu Hanjabay in uu u dhaadhicin doono kooxda da,yarka (Sun).

Kooxaha Ac Milan, Juventus, Roma iyo Napoli ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Chile ee Alexis Sanchez (Mail).

Advertisements

Kooxda Real Madrid ayaa diiday dalab ay PSG ku dalbatay in heshiiska Neymar lagu daro da,yarka Vinicius Junior (AS).

Marka laga reebo Vinicius Junior kooxda Real Madrid ayaa PSG diyaar ula ah xiddigaha Luka Modric Iyo Casemiro si ay u helaan Neymar (Marca).

Kooxda PSG ayaa Neymar ku qasabtay in uu tababarka la qaato xiddigaha da,yarka kooxda (Sport).

Kooxda PSG ayaa haatanba diiday dalabyo ay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ka gudbiyeen saxiixa xiddiga Neymar (Mirror).

Xiddiga Philippe Coutinho ayaa ku biiri doona kooxda PSG xitaa hadii uuna ka qayb noqon heshiisna Neymar (Goal).

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara Tottenham ee Danny Rose ayay u badantahay in uu sii joogi doono kooxda Tottenham ilaa inta laga gaadhayo January (Football.London).

Kooxda Man United ayaa heshiis cusub ka saxiixanaysa daafaca kooxda ee Victor Lindelof kaas oo ay ka saxiixanayso heshiis 75 kun oo Gini todobaadkii (Aftonbladet).

Kooxda Bayern Munich ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiisaha ay u qabto xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Man City ee Leroy Sane inkasta oo uu muddo dheer uga maqnaan doono garoomada kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay (Bild).

Weeraryahanka Mario Balotelli ayaa ku dhaw in uu heshiis 3 sano ah ugu biiro kooxda Serie A-da ee Bresca (Guardian).

Indha-Indheeyayaasha Man United oo kooxda uga digay in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes (Mail).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*