Saliba: Waxa Aan Ka Mid Ay Daacyada Ugu Fiican Adduunka Laakiin Halkan Arin Ayaa Iga Hor Istaagaysa In Aan Noqdo Xiddiga Ugu Fiican Adduunka.

William Saliba waxa uu aaminsan yahay in uu hadda yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu sarreeya adduunka laakiin ay ka maqantahay wax uu ku noqon lahaa daafaca ugu fiican adduunka.

Daafaca dhexe ee Arsenal ayaa u soo muuqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu cad cad Premier League labadii sano ee la soo dhaafay.

“Waxaan ku socday wadada saxda ah labada xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay gaar ahaan xilli ciyaareedkii hore”ayuu saliba yidhi.

“Malaha waxa aan ku socdaa in aan noqdo daafaca ugu fiican adduunka”.

“Waxaan qabaa inaan ahay mid ka mid ah daafacyada ugu fiican wakhtigan laakiin waxa iga maqan koobab si aan u noqdo xiddiga ugu fiican adduunka”.

“Hadii aad ku guulaysato koobab, waad fiicantahay hadii kale ma odhan kartid waxa aan ahayd midka ugu fiican, taasi waa waxa aan aaminsanahay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga