Saliba & Raya Oo Sabab U Ahaa In Kaadhka Cas Loo Taago Myles Lewis-Skelly, Sabab.

Myles Lewis-Skelly ayaa kaarka cas loo taagay kulankii ay Arsenal guuldarada 1-0 ah ka soo gaartay West Ham, Premier League ayaana sharaxay sababta.

Xiddig Lewis-Skelly ayaa lagu badalay Riccardo Calafiori laakiin 18 jirka ayaa ciyaarta Laga saaray daqiiqadii 70-aad kadib markii uu qalad ku galay Mohammed Kudus.

Sida laga soo xigtay Xarunta Ciyaaraha Premier League ee lagu sharraxay X, kaarka cas ayaa la bixiyay iyadoo xitaa qaladku uu ka dhacay meel u dhow khadka dhexe, goolhaye David Raya ayaa aad uga fogaa safkiisa, waxaa macquul ah in fursadda Kudus ay si cad u jartay, waxaana sii xoojiyay William Saliba joogay meel ka fog isla markaas uuna daafac kale u dhawayn.

Kooxda Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonaysa dhinaca akhlaaqda iyada oo xiddigo badan looga taagay kaadhka cas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga