Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.
Xiddiga Marcus Rashford ayaa ku soo laabanaya Man United kadib markii shaqada laga caydhiyay Ruben Amorim (Mirror).
Oliver Glasner ayaa hogaaminaya Liiska tababarayaasha lala xidhiidhinayo Man United si ay ugu badalaan Amorim (Telegraph).
Fulham ayaa isku diyaarinaysa dalab ay ka hesho Man United oo ku Aadan tababare Marco Silva (Sun).
Xiddigaha Man United ee Kobbie Mainoo, Joshua Zirkzee iyo Manuel Ugarte ayaa dhamaantood doonaya in ay ka tagaan Man United (Mail).
Juventus ayaa bilowday wadahadalo ay Liverpool kaga doonayso saxiixa xiddiga Federico Chiesa (La Gazzetta dello Sport).
Kooxda Juventus ayaa sidoo kale isku dayaysa saxixa xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool ee Mohamed Salah (La Gazzetta dello Sport).
Weeraryahanka Barcelona Robert Lewandowski ayaan doonayn in uu ka tago kooxda suuqa January (Sky Sport).
Kooxda Chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Trent Alexander Arnold (CaughtOffside).
Kooxda Crystal Palace ayaa isku diyaarinaysa in ay daafaca Marc Guehi ka iibiso kooxda Man City (BBC).
Be the first to comment