Salah, Rashford, Nunez, Tchouameni Trent Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa January.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxo badan doonayaan saxiixyo usub.

Kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa u dadaali doona sidii ay xiddigo cusub ugu soo dari lahaayeen kooxdooda.

Xiddigo badan ayaa isku badali doona kooxaha iyaga oo doonaya in ay helaan boosas joogta ah oo ay ka ciyaaraan.

Hadaba halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Juventus ayaa weeraryahankeeda Dusan Vlahovic suuqa dhigtay iyaga oo dul dhigay lacag dhan 65 milyan oo euro si ay isaga iibiyaan xiddiga iyada oo kooxaha Arsenal, PSG Iyo United doonayaan axiixiisa (CaughtOffside).

Man United ayaa xiisaha Napoli ee saxiixa Marcus Rashford u adeegsanaya in ay wadahadalo kala galaan saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Khvicha Kvaratskhelia (TEAMtalk).

Arsenal ayaa rajeyneysa inay Liverpool iyo Tottenham Hotspur ku garaacdo xiddiga 50 milyan lagu qiimeeyo ee Omar Marmoush. (GIVEMESPORT).

Kooxda Arsenal ayaa laga diiday dalab ay ka gudbisay saxiixa weeraryahanka kooxda Botofogo ee Igor Jesus iyada oo xiddiga 23 jirka ah ku doonaysay heshiis amaah suuqa January halka ay si toos ah xagaaga dambe ugula wareegayso 20 milyan oo euro (RTI Esporte).

Juventus ayaa doonaysa in ay amaah kula soo wareegto daafaca bidix ee Man United Tyrell Malacia iyada oo isha ku haysa in ay si joogto ah ugu dhaqaaqdo xagaaga (Star).

Liverpool ayaa qiimo 50 ilaa 60 milyan dul dhigtay weeraryahanka Darwin Nunez suuqa January (Football Insider).

Kooxda Liverpool ayaa dhinaceeda dalab 50 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni (Fichajes).

Kooxda Ac Milan ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee dalab amaah ah ka gudbisa saxiixa xiddiga Man United ee Marcus Rashford (Mail).

Xiddiga Matheus Cunha ayaa iska diiday kooxda Arsenal waxana uu ku dhaw yahay in uu heshiis wakhti fog ah u saxiixo Wolves (Telegraph).

Kooxda Ac Milan ayaa heshiis 6 bilood oo amaah ah u soo bandhigtay xiddiga Barcelona ee Dani Olmo kaas oo laga diiday in la diwaan galiyo qaybta dambe ee xilli ciyaareedka (Corriere della Sera).

Liverpool ayaa heshiis waali ah oo uu sanadkii ku qaadanayo 78 milyan u soo bandhigtay xiddiga rent Alexander-Arnold (Mirror).

Wakiilka Federico Chiesa ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu xiddigu amaah ugaga tagayo Liverpool kuna biirayo Napoli suuqa January (Footmercato).

Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Bayern Munich ee Leroy Sane kaas oo ay u doonayso badalka ohamed Salah (Fichajes).

Kooxda Juventus ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool ee Mohamed Salah (Fichajes).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga