
Garabka Liverpool, Mohamed Salah, ayaa ku booriyay Kevin De Bruyne inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Premier League xagaagan cusub.
De Bruyne ayaa qarka u saaran inuu ka tago Etihad dhamaadka qandaraaskiisa haatan ee June.
Laacibka khadka dhexe ee Belgian ayaa horay u muujiyay inuu diyaar u yahay inuu u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha ay City ku xafiiltamaan ee England.
“Waxaan rabaa inaan u sheego hambalyada xirfaddaada,” Salah ayaa u sheegay Sky Sports
“Shaqo cajiib ah ayuu ka qabtay City, wuxuuna ku fiicnaa horyaalka”.
“Runtii waxaan u rajeynayaa wanaag… waxaana u haynaa boos isaga hadii uu imanayo Liverpool”.
Be the first to comment