Salah Oo Jabiyay Rikoodh Kale Oo Premier League Ah Kadib Goolkii Man United.

Xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markale jabiyay rekoodh kale oo Premier Leaque ah kulankii ay Reds barbaraha 2-2 ah kula gashay Manchester United kulan ka dhacay Anfield.

32-sano jirkaan ayaa kulanka soo galay isaga oo dhaliyay 12 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale kulamadii uu la ciyaaray Man United.

Salah ayaa ah xiddiga ugu badfan ee ku lug leh goolasha kulamada premier League.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay gool kadib markii kooxdiisa loo dhigay rikoodhe kadib khalad uu galay xiddig Matthijs de Ligt.

Salah ayaa caawiye ka noqday 13 gool halka uu dhaliyay 19 gool oo kale premier League waxana ay la macno tahay in uu ku lug leeyahay 31 gool.

Salah ayaa jabiyay rikoodh uu dhigay xiddigii hore ee Liverpool Luis Suarez kaas oo haystay in uu ku lug lahaa 30 gool xilli ciyaareedkii 2013/2014.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga