Salah, Davies, Van Dijk, Jorginho, Trent Alexander-Arnold Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa January iyada oo la filayo saxiixyo badan in ay dhacaan.

Kooxaha waaweyn ee kubada cagta ayaa isku dayi doona in ay sameeyaan saxiixyo ay ku xoojinayaan kooxooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Halkan Kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga maanta.

Virgil Van Dijk Ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa fog ee kooxda Liverpool (Telegraph).

Xiddiga daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa Rwal Madrid u sheegay in uu ku faraxsan yahay Bayern Munich (Kicker).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay qaab xor ah kula soo wareegto xiddiga daafaca uga ciyaara Barcelona ee Sergi Roberto (AS).

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso daafaca dhexe ee Jules Kounde (Sport).

Kooxda Ac Milan ayaa doonaysa saxiixa daafaca kooxda Arsenal ee Jakub Kiwior (Calciomercato).

Xiddiga Karim Benzema ayaa wadahadalo kula jira koox kale oo ka ciyaarta horyaalka sucuudiga isaga oo doonaya in uu isaga tago kooxda Al-Ittihad (L’Equipe).

Man Utd ayaa diyaarinaysa dalab 40 milyan ah oo ay ku doonayso daafaca Everton Jarrad Branthwaite (Corriere dello Sport).

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Sociedad ee Takefusa Kubo kaas oo ay u doonayso badalka Antony (Mundo Deportivo).

Man United ayaa doonaysa in ay saxiixa xiddiga Jean-Clair Todibo ku garaacdo Liverpool waxana ay isku dayayayaan in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhaan xiddiga (Caught Offside).

Kooxda Barcelona ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Jorginho iyaga oo isku dayaya saxiixiisa saacadaha ugu dambeeya ee suuqa January (SPORT).

Kooxaha Arsenal iyo chelsea ayaa saacadaha ugu dambeeya ee suuqa January u dhaqaaqi doona saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Lille ee Jonathan David (Telefoot).

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiisyo cusub ka saxiixato xiddigaha Virgil van Dijk, Mohamed Salah & Trent Alexander-Arnold (90min).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga