
Bukayo Saka ayaa hoos u dhigay kooxda ku guulaystay Premier League ee Liverpool wuxuuna magacaabay kooxdii ugu fiicnayd ee ay Arsenal wajahdo xilli ciyaareedkan.
Mashiinka guusha ee aan joogsiga lahayn ee Arne Slot ayaa u dabaaldegay xafladooda axaddii hore ka dib markii ay Tottenham ku xasuuqeen garoonka Anfield, taasoo ka dhigtay Gunners inay ku dhammeysato kaalinta labaad xilli ciyaareedkan.
Inkasta oo ay Liverpool ku garaacday kooxdiisa tartanka premier League hadana Saka ayaan Arsenal u arkin kooxdii ugu fiicnayd ee ay wajahday kooxdiisu.
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay la ciyaarto PSG kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League waxana uu Saka sheegay in ay kooxda PSG tahay kooxda ugu fiican ee ay wajaheen xilli ciyaareedkan.
“100% waxay la mid ahaayeen koox kale”ayuu Saka yidhi.
“Waan ogahay in ay kaliya 2 xiddig badaleen kulankii ay nala ciyaareen ee hore laakiin waxa ay ahaayeen kuwo fiican aad ayaanan ula dhacay”.
Be the first to comment