Saka Mise Sancho? Gary Neville Oo Magacaabay Xiddiga Uu Ku Bilaabi Lahaa Weerarka England Kulanka Denmark.

Gary Neville ayaa sheegay inuu Bukayo Saka ka dooran lahaa Jadon Sancho kulanka England ee semi-finalka Euro 2020 ee ay la ciyaarayaan Denmark laakiin wuxuu aaminsan yahay in mid kasta oo ka mid ah xulashooyinka weerarka ee Gareth Southgate Ay shaqo fiican qaban doonaan.

Xulka England ayaa gaadhi doona final-koodii ugu horeeyay tartan weyn tan ilaa 1966 hadii ay garaacaan xulka Denmark maalinta Arbacada.

Southgate ayaa labo isbadal ku sameeyay shaxdiisa kulankii ay guusha weyn ka gaadheen xulka Ukriane iyada oo ay Sancho iyo Mason Mount badaleen xiddigaha Saka iyo Kieran Tripper.

Saka ayaa seegay kulanka sabab la xidhiidha dhaawac yar oo soo gaadhay laakiin da’yarka Arsenal ayaa haatan ku soo laabtay tababarka waxana uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato kulanka Denmark.

“Waxan u malaynayaa in Harry Kane iyo Raheem Sterling yihiin dookha ugu horeeya ee Shaxda England”ayuu Garry u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan u qori tuuri lahaa xiddigaha Phil Foden, Jack Grealish, Marcus Rashford, Saka iyo Sancho, waxana ku bilaaban kara shaxda midkood”

“Aniga ahaan waxa aan dooran lahaa Saka sababta oo ah waxa uu kooxda ku soo darayaa dar-dar sidii kulankii Germany”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*