Sadio Mane Waxa Uu Aamusiyay Dadka Dahleeceeya.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa aaminsan in uu qaab ciyaareedka fiican ee Sadio Mane aamusiyay dadkii dhaleecanayay lacagtii laga soo bixiyay 4 sano ka hor.

Klopp ayaa ka war qabay in ay jiraan dad shaki ka qabay 4 sano ka hor in ay Reds ka soo bixiso lacag dhan 30 milyan oo euro Mane oo markaas jiray 24 sano kaas oo 21 gool u dhaliyay Southampton 67 kulan oo premier League ah.

Kadib markii uu dhaliyay 13 gool xilli ciyaareedkan xiddiga reer Senegal ayaa noqday xiddiga 11-aad ee taariikhda Liverpool kaas oo dhaliyay 20 gool 3 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.

“Waxa aan xasuustaa wiilka tayada cajiibka ah leh ee aan ka soo qaadanay Southampton”ayuu Klopp yidhi, “waa weeraryahan heer sare ah”.

“Run ahaantii waxa uu ahaa xiddig leh farsamo cajiib ah laakiin waxa ka maqanayd in uu si joogto ah qaab ciyaareed fiican si joogto ah u soo bandhigo waana sababta ay dadku uga hadleen lacagtii laga soo bixiyay”.

“Waxa laga yaabaa in ay dadkii aan markii hore aaminsanayn in ay haatan 100% aaminsanyihiin isaga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*