Sadio Mane, Raheem Sterling, Cristiano Ronaldo & Xiddigaha Tartanka Ugu Jira 100 Gool Ee Premier League.

Kadib markii uu Mohamed Salah goolka u dhaliyay kooxdiisa kulankii Leeds United waxa uu gaadhay goolkii 100-aad ee horyaalka premier League.

Xiddiga reer Masar ayaa dhaliyay goolkii 100-aad ee horyaalka premier League kulankii Leeds ee todobaadyadii hore waxana uu noqday xiddigii 3-aad ee dhaliya 100 gool oo premier League ah.

Waxa jira xiddigo badan oo haatan ciyaara premier League kuwaas oo tartan ugu jira sidii ay u noqon lahaayeen xiddigihii ugu dambeeyay ee 100 gool oo premier League ah gaadha

Xiddigahaas ayaa waxa ka mid ah xiddigaha Sadio Mane iyo xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo kuwaas oo isha ku haya inta uuna dhamaan xilli ciyaareedkan in ay dhaliyaan 100 gool.

Sadio Mane – 98 Premier League goals (21 Southampton, 77 Liverpool)

Raheem Sterling – 97 Premier League goals (18  Liverpool, 79  Manchester City)

Cristiano Ronaldo – 87 Premier League goals ( Manchester United)

Christian Benteke – 82 Premier League goal (42 Aston Villa, 9 Liverpool, 31  Crystal Palace)

Theo Walcott – 78 Premier League goals (65 Arsenal, 10  Everton, 3 Southampton)

Son Heung-min – 72 Premier League goals (Tottenham).

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*