Sadio Mane Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Karoona , Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqanaanayaa?

Kooxda Liverpool ayaa shaaca ka qaaday in xiddigooda Sadio Mane laga helay xanuunka weli dunida ka jira ee caabuqa Karoona

Qoraal ay soo saareen Liverpool waxa ay ku yiraahdeen” ka dib tijaabo uu maray waxaa soo baxday in Mane uu haleelay xanuunka karoona , sidaa darteed waxa uu laacibka sameynayaa is go`doomin”.

” Inkastoo ay ka soo muuqdeen calaamadaha xanuunkaas hadana Mane caafimaad ahaan aad ayuu u wacan yahay”.

Waxaa qoraalkaas la sii raaciyay” waxaa qasab ah in aan raacno shuruucda laga soo saaray xanuunkaan sidaa darteed 14 cesho ayuu is go`doominayaa”

Waxaa xusid mudan in Mane uusan ciyaarin kulankii Arsenal xilligaas oo kooxdiisa looga bdiyay rigoorayaal.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*