Sadio Mane Oo U Muuqda Mid Helaya Wax Uu Doonayay,

Xiddiga koodxda ka hadhay premier League ee waftord Ismaila Sarr ayaa lala xidhiidhinayaa Liverpool, Sadio Mane ayaan u muuqda mid heli kara wixii uu doonayay.

Mane iyo Ismaila Sarr ayaa xirfadooda ciyaareed ka wada bilowday dalka Senegal ka hor intii ayna yurub soo gaadhin.

Ismaila Sarr ayaa sadio Mane u arka walaalkiisa ka weyn waxana ka dhexeeya xidhiidh fiican marka ay wada joogaan xulka qaranka Senegal.

Kadib markii ay dhamaatay kulankii Watford iyo Liverpool bilowgii xilli ciyaareedkii dhamaaday kamerooyinka ayaa qabtay sadio Mane oo Kabtanka Watford ee Troy Deeney u sheegaya in uu ilaaliyo xiddiga Ismaila Sarr.

Liverpool ayaa haatan lala xidhiidhiinayaa saxiixa xiddiga iyaga oo wadahadalo la qaatay wakiilkiisa waxana ay u muuqataa in uu Mane Liverpool kula midoobi doono xiddiga ay isku xulka yihiin ee Ismaila Sarr.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*