Sadio Mane Oo Kashifay Wakhtiga Uu Go’aan Ka Gaadhi Doono Mustaqbalkiisa Liverpool.

Sadio Mane ayaa xaqiijiyay inuu ku dhawaaqi doono Go’aanka mustaqbalkiisa Liverpool kadib finalka Champions League.

Heshiiska xiddiga reer Senegal ee Liverpool ayaa dhici doona sanadka 2023 si la mid ah xiddigaha ay weerarka ka wada ciyaaraan ee Mohamed Salah Roberto Firmino.

Mane ayaa Liverpool kula guulaystay koob kasta oo ay Liverpool ka qayb gashay tan ilaa markii uu Southampton kaga soo biiray Sanadkii 2016.

Sadio Mane oo dhaliyay 120 gool 48 kalena caawiye ka noqday 268 ayaa ku bilaaban doona final-ka champions League ee ay Liverpool la ciyaari doonto Real Madrid.

Xiddiga reer Senegal ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Bayern Munich todobaadyadii ugu dambeeyay iyaga oo xitaa wadahadalo la qaatay wakiilka xidiga.

Mane ayaa la waydiiyay arimo ku saabsan mustaqbalkiisa Liverpool waxana uu yidhi”Waxa aan arimahaas ka jawaabi doonaa kadib final-ka champions League”