Sadio Mane Oo Kashifay Qaabkii Uu Jurgen Klopp Ugu Qanciyay In Uu Iska Diido Man United.

Sadio Mane ayaa ogolaaday inuu ku biiro Manchester United ka hor inta uusan Jurgen Klopp taleefoonka qaban oo uusan ku qancin in mustaqbalkiisu yaalo Liverpool.

Xiddiga reer Senegal ayaa hogaamin doona weerrka Liverpool Final-kii 2-aad muddo 3 sano ah marka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Real madrid waxana uu haatanba kula guulaystay koobabka FA Cup-ka iyo Carabao cup-ka.

Mane ayaa 6 koob kula guulaystay liverpool intii uu joogay Liverpool kadib markii uu sanadkii 2016 ugu biiray kooxda lacag dhan 36 milyan oo euro.

Liverpool ayaan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa saxiixa Mane wakhtigaas laakiin waxa xitaa heshiis la gaadhay Man United oo uu wakhtigaas hogaaminayay Louis Van Gaal.

Laakiin markii uu Klopp si shaqsi ah ugula hadlay Telefoonka waxa uu doortay in uu ku biiro kooxda Liverpool isaga oo iska diiday Man United.

“Waxa aan aad ugu dhawaa ku biirta Man United”ayuu Mane u sheegay Telegraph.

“Waxa aan la gaadhay heshiiska shaqsiga ah waxana aan ahaa diyaar laakiin waxa aan Telefoon ka helay Klopp kaas oo igu qanciyay mashruuciisa sidaas darteed waxa aan go’aansaday in aan ku biiro Liverpool”.