Sadio Mane Oo Kalidou Koulibaly Ku Qal-Qaalinaya In Uu Ku Biiro Liverpool.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa daafaca ay isku xulka yihiin una ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ku qancinaya in uu ku soo biiro kooxda Liverpool suuqa xagaaga.

Daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa wakhtigii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay kooxda Liverpool marka la gaadjo suuqa xagaaga.

Sadio Mane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Kalidou Koulibaly waa daafac fiican waana mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa”.

“Aad ayaan ugu farxi doonaa hadii uu ku soo biiro kooxda Liverpool kana garab ciyaaro, waxa aan garanayaa muddo sanado ah waxana aan markii ugu horaynay ku kulanay xulka qaranka”.

“Marna ma diidayo hadii uu Kalidou Koulibaly ku soo biiro kooxda aan joogo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Gantaal Ku Garaacay Dalka Sucuudiga.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*