Sadio Mane Oo Ka Xanaaqsan Maamulka Ballon d’Or-ka & Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Sabab U Ah.

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa u xanaaqsan majalada France Football iyo dadka soo doortay xiddigaha u tartami doona abaalmarinta Ballon d’Or-ka sabab la xidhiidha in laga reebay Goolhayaha kooxda chelsea ee Edouard Mendy.

Edouard Mendy ayaa door weyn ka qaatay qaab ciyaareedka chelsea kadib markii uu ku soo biiray kooxda hal sano ka hor isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Goolhayaha reer Senegal ayaa muhiim ka ahaa ku guulaysigii chelsea ee champions League waxana uu ku guulaystay Goolhayaha ugu fiican Yurub bishii August.

Si kasta ha ahaatee Edouard Mendy ayaa laga reebay liiska Xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka.

Mane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa wax aan la aqbali karin Ma fahmin, waa wax laga xumaado”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*