Sadio Mane Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Waliba Farriin U Diray Taageerayaasha Liverpool

Weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane ayaa hoosta ka xariiqay in uu diyaar buuxa u yahay xilli ciyaareedka cusub waxa uuna taagerayaasha u balan qaaday in uu soo bandhigayo heer ciyaareed ka duwan sanadihii hore

” Guud ahaan ciyaartooyda Liverpool waxa ay haminayaan in ay soo bandhigaan wax qanciya taageerayaasha” ayuu yiri Mane , waxaana tani hawada ka saareysaa wararka sheegayay in uu baxayo xagaagaan

Mane ayaa xilli ciyaareedki hore dhaliyay 16 gool dhamaan tartamada balse waxa uu wiilkaan reer Senagal u arkaa in taasi ay aheyd gaabis oo uu xilli ciyaareedkaan dhigayo wacdaro.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Liverpool xiddigii dhaawacyada uga maqnaa sida Gomes iyo Van Dijk ku soo laabteen tababarka guud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*