Sadio Mane Oo Ka Farxiyay Taageerayaasha Liverpool Ka Hor Kulanka Everton.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ku soo laabtay tababarka kadib markii uu ka soo kabsadayy xanuunka Korona kaas oo ku dhacay jimcihii hore.

Xiddiga reer Senegal ayaa xanuunka Korona ku seegay kulankii Ay Liverpool guuldarada weyn kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Inkasta oo uu wali ku jiro karantiil suganaya jawaabta baadhitaanka 2-aad ee laga qaaday hadana Sadio Mane ayaa tababar ku bilaabay gurigiisa dhexdiisa.

Xiddiga 28 jirka ah ee Sadio Mane ayaa bogiisa Instagram-ka soo dhigay sawir uu ku ordayo qalabka loogu tala galay orodka.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Liverpool iyaga oo isku diyaarinaya in ay sabtida la ciyaaraan kooxda Everton kulan ka tirsan premier League.

Image

Sii Akhriso: Maxaa Iska Badalaya Heshiiskii Somaliland & Khaatumo?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*