Sadio Mane Oo Ka Fal Celiyay Kadib Markii Laga Helay Xanuunka Korona.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka hadlay xanuunka Korona oo laga helay saacadihii la soo dhaafay.

Liverpool ayaa xaqiijisay in xiddiga laga helay xanuunka Korona kadib markii uu seegay tababarka maalintii jimcihii ka hor kulanka Aston Villa.

Sadio Mane ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray”Nabadeey, waxa aan helay natiijada baadhitaankayga, waxana la iga helay xanuunka Korona, laakiin waxa aan dareemayaa xaalad fiican mana muujinayo wax calaamado ah, waxana aan ku jiraa karantiil waxana aan ka soo kabsan doonaan xanuunka”.

“Hubi in aan noqoto mid aamin ka ah xanuunka waliba raac talooyinka caafimaad si aad naftaada u ilaaliso iyo dadka aad jeceshay”.

“Waxa aan soo laaban doonaa aniga oo ka fiican sidii hore”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Cusbitaalka La Dhigay & Xaaladiisa Oo Sii Xumaanaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*