Sadio Mane Oo Hanjabaad U Diray Kooxdiisii Hore Ee Liverpool.

Weeraryahanka Bayern Munich Sadio Mane ayaa si adag u aaminsan in kooxda Bundesliga ka dhisan ay ka adkaan karto kooxdiisii ​​hore ee Liverpool haddii labada kooxood kulmaan.

Xiddiga reer Senegal ayaa Liverpool ka tagay bilowgii xagaagan waxana uu ku biiray Bayern Munich kadib 6 sano oo uu joogay Anfield.

Sanadkii 2019, Mane ayaa dhaliyay gool kulan ay Liverpool 3/1 ku garaacday Bayern Munich kulan ka tirsanaa tartanka champions League.

Laakiin Mane ayaa u muuqda mid ku kalsoon in kooxdiisa haatan ee Bayern ay garaaci doonto kooxdiisii hore ee Liverpool hadii ay haatan ku kulmaan kulan kale.

Mane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadii aan haatan kulano mar kale, dabcan Bayern Munich ayaa garaaci doonta Liverpol”.

Mane ayaa goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay Bayern Munich kulankii Final-ka DFL Supercup ee ay Bayern Munich ka qaaday kooxda RB Leipzig.

2 Comments

  1. Dhemanka madow mane sxb Liverpool waad jeceshahey anaguna wn ku jecelnahey dadka qaar baa u maleynaya kaftan kaaga mid dhab ah

  2. Gool kaliya muu dhalin ee laba gool buu ka dhaliyay kulankaas 2019 halka qalinka ka boobay mahadsanid

Comments are closed.