Sadio Mane Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool Xilli Reds Qarka U Saarantahay In Ayna Ciyaarin Champions league Xilli Ciyaareedka Dambe.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa sheegay in uuna wax qorshe ah u hayn in uu ka tago kooxda Liverpool xitaa hadii ay kooxdu u soo bixi waydo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Mane ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay kooxda Real Madrid kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool.

Wararkaas ayaa soo laabtay xilli ay Liverpool u muuqata in ay seegi doonto champions league xilli ciyaareedka dambe maadama ay ku jiraan kaalmaha ka baxsan boosaska champions league.

Laakiin xiddiga 28 jirka ah oo uu 2 sano ka hadhsnayahay heshiiskiisa Liverpool ayaa taageerayaasha niyada u qaboojiyay isaga oo sheeaya in uu sii joogi doono Liverpool waliba sidii si ka horaysa ugu faraxsanyahay in uu u ciyaaro Liverpool.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu Mane yidhi”Waxa aan ku faraxsanahay liverpool, waxa aan ku raaxaysanayaa la ciyaarista xiddigaha aan isku kooxda nahay Liverpool”.

“Waa in aan la macaamilno xaalada aan ku jirno waliba aanan marna joojin dagaalka iyo dhiiri galinta in aan mar kale soo laabano”.

“Marka aad tahay dagaalyahan marna mar-marisyo ma samaynaysid laakiin waxa aan raadinaynaa xalka”.

“Kubada cagta iyo nolosha guud ahaan waxa aad filan kartaa wax walba waana sida ay wax yihiin haatan”.

“Waxa aan haaatan ku faraxsanahay sidii hore in ka badan in aan ahay xiddig Liverpool ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*