Sadio Mane Oo Balan Qaad U Sameeyay Taageerayaasha Liverpool Kadib Guuldaradii Aston Villa.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa balan qaad u sameeyay taageerayaasha kooxdiisa ka hor kulanka Derby-ga ee ay la ciyaari doonaan Everton.

Liverpool ayaa ka soo laabanaysa guuldaro ceeb ku jirto kadib markii ay guuldaro 7/2 ah kala kulantay kooxda Aston Villa kulan lama filaan noqday.

Sadio Mane oo ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Liverpool ee bisha ayaa yidhi”Waxa aan u mahad celinayaa dhamaan tageerayaasha, waan ku faraxsanahay in aan ku guulaystay abaalmarinta waxa aan saaxiibaday la qaatay bil cajiib ah”.

“Waxa aan la kulanay guuldaro weyn kulankii Aston Villa, waxana ay ahayd mid niyad jab leh laakiin waa wax kubada cagta ka mid ah waana in aad guuldaradaas u adeegsano in aan ugu diyaar garawo kulanka bari”.

“Waxa aan u balan qaadayaa taageerayaasha in aanu si adag u shaqaynayno waliba doonayno in ay taageerayaashu nagu faanaan”.

Sii Akhriso: XASAASI: Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Xasan Cali Khayre Oo Balan Qaad U Sameeyay Kenya Hadii Uu Madaxweyne Ka Noqdo Dalka Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*