Saddexley Uu Tammy Abaraham Dhaliyay Oo Chelsea Ka Caawisay In Ay Iska Xadiriso Wareega Xiga Ee FA Cup-ka

Kooxda chelsea ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Luton Town kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka wareegiisii 4-aad oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Qaybta Hore:

Frank Lampard oo ka cabsi qabay lama filaan uu kala kulmo kulankan in uu sabab u noqon karo in uu waayo shaqadiisa ayaa ku soo galay shaxdiisa ugu adag isaga oo kaliya Goolhaye Mendy, Chilwell iyo Thiago Silva ka reebay shaxdiisa Joogtada ah kuwaas oo uu nasiyay.

Chelsea ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyarta iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore ah dhaliyaan si ay uga fogaadaan lama filaan ku dhaca.

Daqiiqadii 11-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaag oo uu u dhaliyay xiddiga Tammy Abraham kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaarta.

Chelsea ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalka ay ku doonayaan in ay goolal kale ku dhaliyaan waliba ciyaarta ku dilaan wakhti hore.

Daqiiqadii 16-aad ayay Chelsea sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyada oo uu madax u dhaliyay xiddiga Tammy Abraham kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Taageerayaasha chelsea ayaa kadib labaas gool sawirtay in ay kooxdoodu kulankan dhalin doonto goolal badan maadama ay goolal deg-deg ah dhaliyeen.

Laakiin Luton Town ayaa beenisay rabitaankii chelsea ee ahayd in ay goolal badan dhaliyaan iyaga oo cadaadis xoogan kala hor yimid waliba qaadayay weeraro rogaal celis ah oo halis galiyay chelsea.

Daqiqiadii 30-aad ayay Kooxda Luton Town dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jordan Clark kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Luton Town ayaa wixii intaas ka dambeeyay u muuqatay kuwo chelsea ka dhalin kara goolal kale iyaga oo sameeyay fursado cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Chelsea hogaaminayso laakiin Iska caabin kala kulantay kooxda Luton Town.

Qaybta dambe.

Chelsea ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay raadinta goolal ay ciyaarta ku disho halka ay kooxda Luton Town samaysay fursado ay goolal kaga dhalin kartay chelsea laakiin ay u suurtagali wayday in ay shabaqada dhex digaan kubada.

Chelsea ayaa ku rafaaday in ay dhaliso goolal kale iyada oo uu Lampard badal ku soo galiayy xiddigaha kale ee kaydka u fadhiya kooxdiisa.

Daqiiqadii 74-aad ayay chelsea dhalisay goolkii ay doonayeen kaas oo ahaa mid ay ku dileen Rajada kooxda Luton Town waxana u dhaliyay xiddiga Tammy Abarahm oo dhamaystay saddexleydiida kulanka.

Chelsea ayaa daqiiqadii 85-aad heshay fursad ay goolka 4-aad ku dhalin lahayd kadib markii loo dhigay rikoodhe laakiin Timo Werner oo laagtay ayaa si qurux badan looga raacay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea iska xaadirisay wareega 5-aad ama wareega 16-ka ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Sidee Ayaad Naftaada Uga Hor Istaagi Kartaa In Ay Jeclaato Qof Khaldan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*