Saddexda Tiir Ee Kor U Haya Kooxda Barcelona Xilli Ciyaareedkan.

Marka laga soo tago Leo Messi, waxaa jira seddex ciyaartooy oo Barcelona ah oo cadeeyay inay yihiin tiirarka kooxda xilli ay Barcelona u dagaalamayso difaacashada horyaalka ilaa maalinta ugu dambaysa.

Xiddigaha Marc-Andre ter Stegen, Gerard Pique iyo Arturo Vidal ayaa u ciyaarayay sida ugu fiican awoodooda iyaga oo ah xiddigaha badbaadniaya tababare Quique Setien.

Xiddigahaas ayaa ah kuwa uu tababaruhu inta ugu badan ciyaarsiiyay marka laga reebo Lionel Messi oo ciyaaray 810 daqiiqo Goolhaye Ter Stegen ayaa ku xiga oo ciyaaray 785 daqiiqo, Jordi Alba 711 iyo Arturo Vidal 617 daqiiqo.

Goolhayaha reer Germany ayaa shabaqiisa ilaashada 6 kulan oo ka mid ah 9-kii kulan ee la ciyaaray tan ilaa markii kubadu soo laabatay.

26kii kulan ee la soo dhaafay, Ter Stegen ayaa laga dhaliyay 29 gool in ka badan hal ciyaar, laakiin waxaa laga dhaliyay kaliya shan gool 9-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Daafaca Pique ayaa dhankiisa ku lug leh difaacashada fiican ee kooxda isaga oo si fiican u ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Vidal ayaa dhaliyay 2 gool tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka iyada oo uu ugu dambeeyay kulankii ay Barcelona ku badisay Valladolid.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*